Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab baxsad ah oo gaaray gobolka Bari (Xagee tageen?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiil iyo dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo baxsad ah, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay gaareen Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari, iyagoo ku tagey doomaha nooca dheereeya.

Saraakiishan iyo dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ka tirsan, ayaa ka soo baxsaday duqaymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanku, ay ka wadaan Gobolada Koonfurta Somaliya.

Xubnahan oo toddobaadkii hore soo gaaray Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa uga sii gudbay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyadoo ayna kaga sii tallaabeen Galgala.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Saraakiisha Shabaabka ee gaaray Buuraleyda Galgala ay u badan yihiin Saraakiisha Shabaabka ee maleeshiyadooda dagaalka gelisa, kuwaa oo dadka qaarkii ay u garanayan (Madaxda Jabhadaha).

Khubarada, ayaa waxay Dowladda Somaliya ugu baaqayan inay guluf dhanka dhulka ah ku qaado deegaanada, ay ka baxsanayan inta badan maleeshiyada Al Shabaab, ee duqaymuhu ku socdaan.

Mareykanka oo ballaariyay duqaymaha ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, ayaa keentay in Shabaabku isu kala qaybiyan magaalooyinka iyo deegaanada kale ee dalka, iyagoo yareeyay tirada askartooda ku sugan deegaanada ay ka arrimiyan.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa waxaa Koonfurta Somaliya ka dhacay duqaymo is xig xigay, oo diyaaradaha dagaalka Mareykanku ay la beegsadeen saldhigyo ay Shabaabku leeyihiin.

Axmed Macalin Fiqi, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ahna Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, ayaa tallaabada uu Mareykanka ku ballaariyay duqaymihiisa ka dhanka ah Al Shabaab ku macneeyay fursad loo baahan yahay inay ka faa’iideysato Dowladda Somaliya.

Bishii hore ee November oo ay dalka ka dhaceen duqaymihii ugu badnaa ee ay gaysteen diyaaradaha Mareykanka, ayaa waxay Shabaabku khasbeen in ay cagaha wax ka dayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Shabaab baxsad ah oo gaaray gobolka Bari (Xagee tageen?) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this