Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo digniin kasoo saartay arrin uu Mareykanka ka wado Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan dhowr duqeyn ay ka dhacday degaanada maamulka Jubbaland, ayaa waxaa qeylo dhaan ka muujiyay duqeyntaasi baarlamaanka maamulka.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka digay in diyaaradaha Mareykanka duqeymo kale ka geystaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka.

Xildhibaanada qaar ayaa duqeymaha ku micneeyay kuwo lagu dhabar jabinaayo dadka kasoo jeeda maamulka ee ku nool deegaanada ay ka dhacayaan duqeymaha.

Waxa ay sheegeen in ay jiraan dad Shacab ah oo ku dhintay duqeymihii ugu dambeeyay ee dowlada Mareykanka ay ka fuliso jubbooyinka, taa oo sabab looga dhigay inaan la sahmin goobaha rasmiga ah oo ay ku noolyihiin maleeshiyaadka bartilmaameedka ah.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan duqeymaha lagu beegsanaayo Al-Shabaab balse ay codsanayaan in la dhowro dadka Shacabka.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa cod dheer ku sheegay in ahmiyada koowaad ay tahay in lasiiyo goobaha bartilmaameedka ka hor inta aan la ridin gantaalada wax gumaada.

Haddalka Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaaya xili diyaaradaha Mareykanka ay si xad dhaaf ah u dul heehaabayaan si ay u duqeeyan Saldhigyada Al-shabaabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Jubbaland oo digniin kasoo saartay arrin uu Mareykanka ka wado Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this