Sign in to follow this  
Deeq A.

(Sawiro) 514 Arday Oo Ka Qalinjabiyay Jaamacadda Bariga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad ay ku qalinjabiyeen Dufacadii 17-aad ee ka qalinjabisay Jaamacadda Bariga Afrika, aya ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, maamulka Jaamacadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Aadan Sheekh Doon Cali ayaa hambalto iyo Boggaadin u jeediyay Ardayda dhamaysatay Jaamacadda, waxaana uu u rajeeyay Mustaqbal wannaagsan.

Sido kale wuxuu mahadcelin u jeediyay Macalimiinta dadaalka ku bixiyay iyo Waalidiinta doorka wannaagsan ka qaataan guusha ay Ardaydu gaareen.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa laba Gabdhood oo Ardayda baratay Caafimaadka ah u balan qaaday inay la shaqayn doonaan Shirkadda dhisaysa Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wasiiru dawlaha Waxbarashadda Puntland Cabdi Fataax Nuur Ashir oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada ayaa Ardayda ku booriyay inaysan hakad galin hankooda Waxbarasho, waxaana uu kula dardaarmay in aqoonta ay barteen ay bulshadooda dib ugu celiyaan.

Qaar ka mid ah Ardayda dhamaysatay Waxbarashadda, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin guusha ay gaareen, waxayna balan qaadeen inay dalkooda u adeegayaan.

Ardayda qalinjabisay ayaa tiradoodu ay dhan tahay 514 Arday, waxaana ay qayb ka noqonayaan Ardaydii horay u dhamaysatay Jaamacadda Bariga Afrika.

Hoos Ka Daawo Sawirada;24296310_1543374129078504_1139322255260424296505_1543373929078524_2619399638948424796345_1543372525745331_21617996694584

24231926_1654952567898169_7046721760064524232023_1654951354564957_4465110334557124232136_1654952407898185_4028587532504724293940_1654952451231514_7718705422493424294055_1654951554564937_1872081093695924294064_1654952634564829_7778783436388324296324_1654951634564929_2843667413038324296542_1654952237898202_2148459694604924296615_1654952321231527_3281907278933324296682_1654951791231580_5241123516034024301065_1654952487898177_9633724980439324301138_1654951457898280_4207467663108024312935_1654952801231479_7493864191962124774832_1654952674564825_5481686569234624775070_1654951291231630_9138764423853024796615_1654951844564908_7787102559931124796819_1654952734564819_8279452375650924852103_1654952054564887_13948699146884

www.puntlandi.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this