Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Shirka Madaxda Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta 04 December 2017 magaalada Muqdisho kaga qayb galay shirka Amniga ee Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, ergayga gaar ka ah ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, danjirayaasha waddamo badan oo aduun ka ah, Saraakiil ka socdey AMISOM, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladdaha xubnaha ka ah DFS, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka shirka amniga ee u dhexeeyey Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in si wada jira oo adag loosugo amaanka iyadoo la xoojinayo hay’addaha amaanka si  Soomaaliya looga cidhib-tiro kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab, Daacish iyo cid kasta oo gacan saar-laleh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay si loosugo amaanka Soomaaliya in loo baahan yahay sharci iyo kala danbayn, sugidda xaquuqda hay’addaha garsoorka, shaqo abuurka dhalinyarada, la dagaalanka fekerada taban, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in intaasi ay buldhig u tahay in la helo sugidda amiga iyo siyaasad ku salaysan nabad iyo xasilooni.

Madaxweynaha Puntland oo kahadlaya marxaladdihii kala duwanaa ee Soomaaliya Soo martay ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya maanta marayso meel wanaagsan oo ay dib uga wanaajin karto ugana  yagleeli karto waxkasta oo ka xumaaday, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS isla meel dhigeen qorshaha dib u dhiska dawladd-nimada Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa cadeeyey in dawladda Puntland gaadhey 20kii sano ee ugu danbeeyey horumar lixaad leh, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dawladda Puntland tahay curadkii dawladdaha xubnaha ka ah DFS, isla markaana waxa uu u tusmeeyey Madaxweynuhu Madaxda kasoo qayb gashay shirka in Puntland 4tii sano ee ugu danbaysay wax qabad la taaban karo ka samaysay, Amaanka, cadaaladda, qaabaynta iyo tayaynta shaqaalaha dawladda, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu sheegay haddi ay hagaagaan hay’addaha dawladdu in la helayo dawladdnimo wanaagsan [we believe if we have good intuitions be get god Government].

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in dawladda Puntland ku deeqaday 2400 oo askari kuwaas oo ka qayb noqondoona ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ka qayb qaadan doona xasilinta, nabadda, guud ahaan Soomaaliya iyo ka xoraynta dalka kooxaha xagjirriinta  ah, waxaana uu Madaxweynuhu Qaranka Soomaaliyeed u rajeeyey guul, horumar, nabad iyo himilo wanaagsan.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WAR-FAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.1-5.jpg?resize=1000%2C667 2-3.jpg?resize=1000%2C667 3-2.jpg?resize=1000%2C667 3-3.jpg?resize=1000%2C667 4-2.jpg?resize=1000%2C667 5-2.jpg?resize=1000%2C667 5-1.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0039.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0046.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0103.jpg?resize=1000%2C667 5I2A0294.jpg?resize=1000%2C667 5I2A8552.jpg?resize=1000%2C667 5I2A8562.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9858.jpg?resize=1000%2C667 5I2A9876.jpg?resize=1000%2C667 S09A9986.jpg?resize=1000%2C667

The post Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Shirka Madaxda Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this