Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin cusub: Roobow oo shaaciyay inuusan isku dhiibin Dowlada & Suxufiyiinta oo uu ka dalbaday hal arrin (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Madaxtooyada maamulka uu saacado ka hor kulan khaas ah ku dhexmaray Horjooge ku-xigeenkii hore ee al-Shabaab Mukhtaar Roobow iyo Suxufiyiinta Baydhabo.

Kulanka Roobow iyo Suxufiyiinta ayaa salka ku hayay hakinta qaabka ay Suxufiyiintu u tabiyaan wararka Roobow iyo in meesha laga saaro ‘’Roobow oo isku soo dhiibay dowlada’’.

Inta lagu guda jiray isbarashada Mukhtaar Roobow ayaa Suxufiyiinta ka dalbaday inay damiyaan dhammaan qalabka codadka duuba iyo Kaamiradaha, waxa uuna intaa kadib ka dalbaday inaysan Oran ‘’Mukhtaar Roobow oo isku soo dhiibay dowlada’’

Roobow waxa uu Suxufiyiinta ka dalbaday in xiliyada ay tabinayaan wararka isaga khuseeya ay adeegsadaan ‘’Roobow oo ku yimid wada hadal uu la galay dowlada’’

Waxa uu sheegay inuusan isku dhiibin dowlada, balse uu la galay wadahadal sidaana uu ku helay magangalyo, wuxuuna qiray in Saxaafada ay si khaldan u tabiso wararka isaga khuseeya.

Nuqul kamid ah haddalka Roobow ayaa ahaa ‘’Suxufiyiintu waxa ay wararkooda ku tabiyaan Roobow oo isku soo dhiibay dowlada, anigu isma soo dhiibin ee waxaan dowlada la galay wadahadal’’

‘’Is dhiibid waxaa la dhihi karaa sida Horjoogayaasha ku jira gacanta dowlada ee is dhiibay’’

Roobow wuxuu ka dalbaday Suxufiyiinta in qalabka warbaahinta aysan u adeegsan ‘’Roobow oo Dowladda isku soo dhiibay” balse taas bedelkeeda ayuu sheegay in Dowladda uusan isku soo dhiibin ee uu ku yimid wada hadal.

Sidoo kale, Suxufiyiinta ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay sidaas ula socdaan oo aysan isku khaldin sifaha u dhexeeya labada eray.

Si kastaba ha ahaatee, Ajandaha Roobow ee la kulanka Suxufiyiinta ayaa ahaa keliya qodobkaasi oo uu sheegay inuu u leeyahay ahmiyad gaara.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Arrin cusub: Roobow oo shaaciyay inuusan isku dhiibin Dowlada & Suxufiyiinta oo uu ka dalbaday hal arrin (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this