Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Sidee ayaa loo dilay madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax?

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanca (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka YemenCali Cabdalla Saalix ayaa lagu dilay magaalada Sanca, sida laga sheegay raadiyaha wasaaradda arrimaha gudaha Yemen, oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiita.

Xisbiga Saalix ayaa sidoo kale xaqiijiyey in hoggaamiyahooda la dilay. Ilo-wareedyo ku dhow Saalix ayaa taleefishinka Aljazeera u sheegay in madaxa kooxda qaabilsan sugidda ammaanka Salah, Hussei al-Hamidi sidoo kale la dilay.

Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalix oo ka baxay magaalada Sanca ayaa gaadiidkiisa wadada loo galay, waxaa la socday kaaliyaha xogheyaha guud ee xisbiga Yaasir Cawaadi, General  Cabdalla Maxamed qowsi iyo wiilkiisa Khaalid Cabdalla Saalix.

Markii ay soo gaareen tuulada Jaxshi oo u dhaw Sanca ayaa waxaa soo weeraray 20 Tikniko ah oo Xuutiyiinta ah, kadibna nolosha ayaa lagu  qabtay Cali Cabdalla Saalix, gaariga aya laga soo dejiyay, Madaxa ayaa laga toogtay, waxaa sidoo kale la dilay kaaliyaha ururka halka wiilkiisa Khaalid oo dhaawac ah la afduubtay!

Dhinaca, waxaa la la’yahay mas’uuliyiinta ka tirsan ururka, Lama oga halka ay joogaan xogheyaha guud ee ururka Mu’tamar Caarif Zuuka iyo taliya ciidanka Dhaariq Saalix.

sidee-1132x670.jpeg?resize=696%2C412&ssl441.jpeg?resize=696%2C411&ssl=1

 

The post Video: Sidee ayaa loo dilay madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this