Sign in to follow this  
Deeq A.

(VIDEO) Madaxweynihii hore ee dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax oo maydkiisa lasoo bandhigay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee dlaka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa lagu dilay dagaal uu Xuutiyiinta kula galay magaalada Sanca.

Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah ayaa baahiyay muuqaalka nin wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay oo shaacinaya in “la afjaray dhibaatada maliishiyada khiyaanada qaran sameysay, lana dilay hoggaamiyahooda”.

Dad ka tirsan xisbiga Mr Saalax ayaa sidoo kale xaqiijiyay geeridiisa, sida uu baahiyay TV-ga Al-Carabiya.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada waxay muujinayaan maydka qof u eg saalax oo dhaawacyo xun ay ka gaareen madaxa.

Xisbiga siyaasadeed ee uu ka tirsan yahay ayaa beeniyay in la dillay xilli hore, ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ay qarxiyeen gurigiisa ku yaalla caasimadda Yaman ee Sanca.

Halkaan ka daawo muuqaalka Cali Cabdalla Saalax.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this