Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Xasan: “Ciidamo nooma dhisna, AMISOM in ay hadda baxdana sax maaha”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka sheegay Shirka Amniga qaranka ee ka socda Muqdisho in aysan ahayn in AMISOM ka baxda Soomaaliya xilligan.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya aysan weli awood u laheyn in meelaha qaar ay difaacaan sababo la xiriira in aysan heysan hubkii loogu talo galay in ay ku dagaalamaan sida uu hadalka u dhigay.

Shariifka ayaa ku doodaya in Ciidan Soomaaliyeed oo dhisan aysan jirin,kuwa joogana aysan heysan Hub ku filan sidaas darteedna Ciidanka AMISOM ay wali muhiim u yihiin Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa ku baaqay in aysan bixin Ciidanka AMISOM inta Ciidamada Soomaaliya laga dhisayo oo ay awood u yeelanayaan in ay la wareegaan amniga Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ayaa 31ka Bishan waxaa ay Soomaaliya ka saarayaan 1,000 kii Askari ee ugu horreeyay oo horudhac u ah bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya,waxaana xigi doona 1,000 kale oo 31da May 2018 ka bixi doona Soomaaliya.

Shirka ka socda Muqdisho ayaa ah wajiga 2aad ee shirkii London ka dhacay 11kii May 2017kii,waxaana shirkan xoogga lagu saarayaa heerka amniga Soomaaliya iyo sida wax looga qabn karo.

Inta badan Madaxda ka hadashay shirkan ayaa isku raacay in amniga Soomaaliya uu muhiim yahay islamarkaana loo baahanyahay in Ciidanka Soomaaliya la dhiso.

Hadalkaan ayaa Shariif xasan waxa uu ka sheegay shirka Amniga Qaranka oo uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Maanta ka furay Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Shariif Xasan: “Ciidamo nooma dhisna, AMISOM in ay hadda baxdana sax maaha” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this