Sign in to follow this  
Deeq A.

laba sabab oo mar kasta keento in la xiro Jidadka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta inta badan xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo aad u diyaarsan.

Waddooyinka aadka u xiran ayaa waxaa kamid ah wadada Makka al-Mukarama iyo wadada wadnaha oo kamid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho.

Ujeedka loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay shirarka Muqdisho ay martigelineyso maanta iyo berri oo Talaado ah.

Shirarkaan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dhaqaaalaha, waxaana marti ku ah Mas’uuliyiin heer caalami ah.

Haddaba dadka Muqdisho ayaa is waydiinayo inta maalin oo ay xirnaan doonaan jidadka Muqdisho, waxaana arrintaas baaritaan kusoo sameysay Shabakadda Caasimadda Online.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, jidadka ayaa xirnaan doono ilaa berri inta uu kasoo dhammaanayo shirka Maanta Muqdisho uga furmay dowladda Soomaaliya iyo madaxda beesha Caalamka.

Sidoo kale waxaa mar kasta la is waydiiyaa sababaha keeno in jidadka Muqdisho loo xiro arrimo amni awgeed, midaasna waxay dadka falanqeeyo siyaasadda ku micneeyey labadaan arrin:

1) Ururka Al-Shabaab oo weli awood muuqato ku leh Magaalada Muqdisho, iyago awood u leh inay mar kasta magaalada ka dhex fuliyaan weeraro iyo dilal qorsheysan .

2) Ciidamada Dowladda oo aan u diyaarsaneyn inay sugaan amniga Muqdisho, maadaama aysan heysan dhiiragelin dhan walba ah.

Labadaas arrin ayaa inta badan la sheegaa inay sabab u tahay in Jidadka Muqdisho loo xiro wafdi imaanayo ama shirar Caalami ah oo ka dhacayo Magaalada sida midka Maanta furmay.

Magaalada Muqdisho oo ah meel aad u saxmad badan ayaa waxaa lagu dhibaatoonayaa in la sugo amnigeeda, waxaana la xiray jidad badan oo magaalada muhiim u ah, waxaana wax lala sii yaabo ah in maanta guud ahaan Jidadka Magaalada la xiro iyadoo laga cabsanayo inay Shabaab dhibaato ka geystaan Magaalada oo uu Maanta furmay Shir u dhaxeeyo dowladda iyo Beesha Caalamka.

Ururka Al-Shabaab ayaa Magaalada Muqdisho ka fuliyo weeraro ismiidaan ah, waxaana ilaa hadda lagu guuleysan la’yahay si si dhameystiran Al-Shabaab loogu diido inay Magaalada weeraro ka fuliyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post laba sabab oo mar kasta keento in la xiro Jidadka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this