Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka horgeeyay Miisaaniyada 2018

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG_0442-1.jpg

Garowe (Puntlandi) Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta oo isniin ah golaha wakiiladda hor-geeyay miisaaniyadda Puntland ee sanadka soo socda 2018-ka, taasoo nuqulkeeda loo qeybiyay xildhibaanada.

Wasiirka Maaliyadda mudane Carshe, ayaa sheegay Miisaaniyadda dowladdu inay dhan tahay $92,713,364 milyan, waxaana uu sheegay in Miisaaniyadda laga saaray lacago laga filayey in laga helo Hay’addaha UN-ka.

Gollaha wasiiradda ee dowladda Puntland, ayaa dhowaan kullan degdeg ah oo ay yeesheen waxay ku meel mariyeen Odoroska Miisaaniyaddan oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyaddu.

Xildhibaanada ayaa maalmo kooban kusoo dulmaridoona akhriska miisaaniyada, waxaana kadib ay cod uqaadidoonaan meel marinteeda.

Puntlandi.com 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this