Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilka Kubbada Cagta Puntland oo u Ambabaxay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
XULKA-PUNTLAND.jpg?resize=600%2C338Xulka Kubbada CagtaPuntland

Waxaa maanta magaalada Garowe ka ambabaxay Xulka Kubbada Cagta Puntland oo tartanka Dowlad goboleedyada uga qeyb galaya magaalada Muqdisho.

Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garowe ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Cayaaraha Puntland, maamulka Gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Tartanka Kubbadda Cagta ee Dowlad goboleedyada ayaa qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, balse waxaa dhawaan la shaaciyay in Muqdisho loo wareejiyay, kadib markii kulan ay Kismaayo ku yeesheen Wasiirada Ciyaaraha Dowlad goboleedyada ay isku raaceen in tartankaan lagu qabto Muqdisho.

Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa difaacanaya tartanka Dowlad goboleedyada oo sanadkii hore ka dhacay Muqdisho, kadib markii ciyaartii kama danbeysta ay ka badiyeen xulka Kubbada Cagta Jubbaland.

Sidoo Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa sanadkii hore ka yaabiyay mucaashaqiinta Kubadda Cagta Soomaaliyeed kadib markii ay soo bandhigeen ciyaaaro la la dhacay, balse waxay noqdeen Halyeeyadii la hilaamay markii ay waayeen Garoomo wanaagsan iyo taramo ay ku loolamaan, kadib markii Puntland ka gaabisay hormarinta Garoomada kubadda Cagta Puntland oo ay muuqdaan dayac aad u baahsan, iyadoo in badana ay cabasho ka muujiyeen bahda cayaaraha Puntland.

Fuuritaanka tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada ayaa la qorsheeyay 14-ka bishan December, waxaana ka qeyb galay Shanta Dowlad goboleedyada iyo Koox mataleysa Muqdisho.

PUNTLAND POST

 

The post Xilka Kubbada Cagta Puntland oo u Ambabaxay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this