Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland oo sagootiyay xulka kubada cagta Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Cabdulle iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cumar Faraweyne, ayaa maanta Garowe ka sagootiyay Xulka Kubadda Cagta Puntland oo Muqdisho u duulay.

Xulka kubada cagta Puntland, ayaa ka qayb galaya horyaalka kubada cagta ee maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasoo dhowaan ka furmaya Muqdisho.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay xulka Puntland ka rajeynayaan inay mar labaad soo xareeyaan guul taariikhi ah, isagoo cadeeyay inuu aad ugu kalsoon yahay inay magaca Puntland u matalayaan ciyaartoy heer sare ah oo lagusoo xulay nin walba iyo xirfadiisa.

Xulka kubada cagta Puntland ayaa horey usii qaatay koobkoodii ay horey ugu guulaysteen sannadkii 2016, iyagoo mar labaad geyndoono Muqdisho.

24296667_753486694838932_634333148010635 24296643_753486601505608_355953998793162 24296767_753486641505604_784153374081041

Puntlandi.com.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this