Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Qof Rayid Ah Oo Lagu Arkay Suuqa Gaalkacyo Ee Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Meydka qof shacab ah ayaa lagu soo waramayaa in saakay lagu arkay suuqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in ninkaan jirkiisa ay ka muuqato rasaas badan, iyadoona lasoo dhigay bartamaha suuqa oo ahayd halkii dhowaan ay ku dagaallameen maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa Gaalkacyo ayaa sheegay in ninkaan la diley uu kamid ahaa xoogsatada suuqaasi, iyadoo illaa iyo haatan la ogeyn cidda dilkiisa ka dambeysa.

Ganacsatada suuqa Gaalkacyo ayaa Meydka halkaasi ka qaaday si loo aaso, maadaama la sheegay in saacado badan uu halkaasi yaallay.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo noq noqday magaalada Gaalkacyo oo hadda la filayey iney ka dhalato Nabad, lana arko isbedallo badan.

Maamullada Puntland iyo Galmudug oo ka wada arrimiya Gaalkacyo, weli wax war ah kama aanay soo saarin qofkaan la dilay.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this