Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kala soctaa qodobada sida gaarka ah diirada loogu saari doono shirka ka dhacaaya Xarunta Xalane?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in si rasmi ah uu manta magaalada Muqdisho uga furmo shir looga hadlaayo ammaanka guud ee dalka.

Shirkaan oo ahmiyad gaara leh ayaa ka dhici doona xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galaya Madaxda Qaranka, Wakiilada Beesha caalamka iyo Madaxda  maamulada qaybta ka ah dowladda.

Shirkan ayaa waxaa furi doono sida uu qorshuhu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,waxana goobjoog ka noqon doona inta badan Madaxda Maamul goboleedyada oo badankood ku sugan Muqdisho.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda Soomaaliya waxaana laga soo saari doonaa qodobo wadajir ah oo amaanka ku saabsan sida ay noo sheegeyn qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha Shirkaasi.

Marka laga soo tago amniga dalka waxaa intiisa badan xooga lagu saarayaa go’aamadii ka soo bxay shirkii London, waxaana lagu soo hadalqaadi doonaa qorsha dib u dhiska Ciidamada, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale yareynta Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Maalinta xigta oo Berito ah kuna beegan 5,ta December ayaa sidoo kale waxaa Muqdisho ka furmi doona  shir lagu qiimeyn doono qorshaha xukuumadda,iyo sidii dhamaan Hay’addaha Dowladda uga Shaqeyn lahaayeen kobcinta Dhaqaalaha dalka iyo fulinta mashaariic horumarineed.

Sidoo kale, xalay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay Shir Guddiga amniga, waxaana looga hadlaayay arimo ku saabsan dhanka ammaanka, kadib markii Madaxweynaha Somaliya uu shirkaasi shir Gudoomiyay.

Shirka maanta dhacaya ayaa wuxuu kaga duwan yahay Shirkii xalay, Safiirada reer Galbeedka u fadhiya Magaalada Muqdisho ayaa Shirkan ka qayb galaya, waxayna dhankooda ka hadli doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin qorshaha ammaanka Somaliya.

Docda kale, diyaar garoowga shirka Maanta ayaa haatan waxaa laga dareemayaa Gudaha Magaalada Muqdisho, shirkaan oo ah mid horay loo Go’amiyay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Maxaa kala soctaa qodobada sida gaarka ah diirada loogu saari doono shirka ka dhacaaya Xarunta Xalane? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this