Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka BFS oo maanta ku dhagan Xildhibaano caqabad ku ah fadhiyada baarlamaanka xili ay sabab u noqdeen in…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho kaa oo looga doodi doono sababaha keenaya in Xildhibaanada ay soo xaadiri waayan kalfadhiyada uu baarlamaanka leeyahay.

Ajandaha guud ee shirka maanta ayaa ah labo qodob oo kala ah ansaxinta xubin cusub iyo sidoo kale adkaynta soo xaadiradda kulamada Baarlamaanka.

Guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa dhibaato ku qaba xaadiritaanka Xildhibaanada oo aad u liita, iyadoo xiliyada qaar tirade xaadirta aysan gaarin heerkii loogu tallo galay.

Guddoonka ayaa dhowr jeer Xildhibaanada ka dalbaday inay laasimaan xaadiritaanka fadhiyada, waxaase muuqaneysa inaan dhag jalaq loo siin soo jeedinta Guddoonka.

Dhibaatooyinka lagu qabo baaqashada Xildhibaanada xiliyada ay jiraan shirarka inay baaqdan doodaha ay yeelan lahaayen Xildhibaanada sababo la xiriira kooramka oo aan dhameystirmin.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in maanta go’aan laga gaaro qodobka xaadir la’aanta Xildhibaanada oo dhibaato weyn ku ah dhameystirka Ajandayaasha horyaal BFS.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Guddoonka BFS oo maanta ku dhagan Xildhibaano caqabad ku ah fadhiyada baarlamaanka xili ay sabab u noqdeen in… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this