Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowlada oo Hakad Galiyay isku Socodka Gaadiidka Dadweynaha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa saaka lagu soo daadiyay wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo aad u farabadan ayaa isugu jira Boolis iyo Nabadsugid iyaga oo wata Gaadiidka Dagaalka islamaarkaasina ku amray in gaadiidka ay dib u laabtaan.

Wadooyinka Maka Al-Mukarama, Wadnaha iyo Soddonka ayaa guud ahaan saaka Xiran iyaga oo aanay gaadiidka isticmaaleeynin.

Sababaha ugu weeyn ee saaka loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegay shirka u dhaxeeyo madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta ka furmayo Muqdisho.

Dadweynaha Muqdisho si ay isaga gudbaan degmooyinka Muqdisho ayaa waxa ay isticmaalayaan lug iyada oo xitaa lagu soo waramayo in meelaha qaar dadka loo diidayo in ay lug ku maraan oo dib loo soo cilanayo.

Shacabka ku dhaqan Muqdisho ayaa cabasho balaaran ka muujinayo xirnaashiyaha wadooyinka Muqdisho oo saameeyn balaaran ku yeelatay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Ciidamada Dowlada oo Hakad Galiyay isku Socodka Gaadiidka Dadweynaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this