Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulka kubada cagta Puntland oo maanta Muqdisho usafraya

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi.com) Xulka kubada cagta Puntland ayaa maanta u safraya magaalada Muqdisho ee caasimada gobolka Banaadir, si ay uga qaybgalaan tartanka kubada cagta ah dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Tartanka kubada cagta ah ayaa waxa uu magaalada Muqdisho ka furmayaa todobada bishaan sida uu qorshuhu yahay, waana sannadki labaad oo xiriir ah oo la qabanayo.

Puntland oo ah horyaalka kubada cagta Soomaaliya, ayaa sannadkaan mar kale rajeynaysa inay guul taariikhi kasoo hoyaan tartankaan.

Warsidaha Puntlandi ayaa dhinaca kale ogaaday in marka laga reebo Jubbaland ay dhammaan dowlad goboleedyada kale laga xulay magaalada Xamar, halkii loo baahnaa in dowlad goboleed kasta ay ka yimaadaan kooxahaooda.

 

24068262_562375457439347_555512951685793

 

 

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this