Sign in to follow this  
Deeq A.

Gal-Mudug iyo Ahlusunno oo Heshiis Hordhac ah ku Gaaray Djabouti

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa ku waramaya in halkaasi heshiis hor dhac ah  ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Galmudug iyo  Madaxweynaha  Gobalada dhaxe ee Ahlusunno Waljameeca.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf i Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiis hor dhac ah oo labada dhinac ay isku fahmeen kadib 8 cisho oo ay ku shirsanayeen gudaha Dalka Jabuuti.

Heshiiskaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Mas’uuliyiin katirsan Dowlada dhaxe iyo xubno ktirsan labada Maamul Galmudug iyo Ahlu-suna iyo Madax ka socotay Ururu Gobaleedka IGAD.

Labada Maamul ayaa waxaa dhax maray shirar gaar gaar ah kuwaa oo sababay iney isku soo dhawadaan labada Maamul, arintaana ay sababtay inuu dhaco heshiis labada dhinac ay gaaren.

Qodabadii hor dhaca ee lagu heshiiyay ayaa lagu wadaa heshiiska rasmiga in qodobada lagu heshiiyay lagu soo bandhigi doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

1-1.png?resize=738%2C4152.png?resize=862%2C82624312883_889060934588349_621416217427149

PUNTLAND POST

The post Gal-Mudug iyo Ahlusunno oo Heshiis Hordhac ah ku Gaaray Djabouti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this