Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo Weeraray Saldhig AMISOM Ku Leeyihiin Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab in ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada midowga Afrika AMISOM ay ku leeyihiin  Gobolkaas.

Al-shabaab ayaa weeraray Saldhig ciidamadda AMISOM ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo Mashalaayo ee hoos taga degmada Qoryooley ee Shabeelaha  hoose.

Goobta la weeraray wuxuu ahaa saldhiga weyn oo Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Gobolkaas waxaana halkaas ka dhacay dagaal waqti badan qaatay.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in saldhigaas laga weeraray dhowr jiho islamarkaana khasaaro la gaarsiiyay Ciidamada AMISOM.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo Weeraray Saldhig AMISOM Ku Leeyihiin Shabeelaha Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this