Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo soo jeediyay 3 arrin oo Muqdisho la xiriira

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo qeyb ka ah shirka Golaha Amniga Qaranka ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhibaatooyinka amni ee ka taagan magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay inaanu waxba soo kordhineynin shirar looga hadlo amniga oo aan mirro dhal laheyn waxa uuna ku baaqay in bedelka shirarka amni loo rogo ficil.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dowlada Federaalka ah ee Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amniga ay marka hore ka dhabeeyan natiijooyinka kasoo baxa shirarka, waxa uu arrin nasiib darro ah ku sheegay in shirarka amniga qaarkood ay noqdeen kuwo aan lasii tixraacin waxa kasoo baxa.

Axmed Madoobe waxa uu soo jeediyay ilaa Seddex qodob oo la rumeysan yahay haddii la dhaqan galiyo waxbadan looga qaban karo amniga magaalada Muqdisho waxaana kamid ah:

1-In dowlada Somalia ay marka hore ka dhabeyso qodobada kasoo baxa shirarka amniga ee xalka loogu raadinaayo, waxa uuna fashilka koowaad ee dhanka amniga ku sheegay inuu caajis ka jiro dhanka Saraakiisha loo xilsaaray amniga.

2-In dowlada Federaalka, gaar ahaan Hay’adaha amniga ay kaalinta koowaad siiyaan ciidamada ka howlgala Xarumaha iyo Waddooyinka oo intooda badan aan iminka lasiin xuquuqdii ay ku lahaayen dowlada, wuxuuna farta ku goday inaan shaqo wanaagsan laga sugeynin Askari baahan.

3-In la helo sharciyo ay ciqaab ku muteysankaraan Saraakiisha hogaamineysa ciidamada amniga ee goobaha ay ku qoran yihiin ka dhacaa falal amni darro, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu amni ka dhalan doonin magaalada Muqdisho haddii aan la helin isla xisaabtanka Taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada oo qaarkood aan iska warqabin.

Axmed Madoobe waxa uu aad u dhaliilay hanaanka ay ku shaqeynayaan Hay’adaha amaanka dowlada oo Taliyayaashooda ay iska indha sarcaadiyeen bixinta xuquuqda ciidamadii sugi lahaa amniga, waxa uuna soo jeediyay in marka hore lala xisaabtamo shaqsiyaadka mas’uulka ka ah Hay’adaha amniga.

Madoobe ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab aysan ka awood badneyn ciidamada dowlada, balse loo dhabar jabiyay maadaama aan lasiin xuquuq joogta ah.

Dhinaca kale, waxa uu ku taliyay inaan meel looga dhaqaajin natiijooyinka laga soo saaro shirarka khuseeya amniga ee xalka loogu raadinaayo magaalada Muqdisho iyo Gobolada ay soo waafaqday amni darada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Axmed Madoobe oo soo jeediyay 3 arrin oo Muqdisho la xiriira appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this