Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka Qayb Galay Shirka Amniga Qaranka oo Muqdisho Ka Furmay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta oo ay taariikhdu tahay 03 December 2017 ka qayb galay shirka Amniga Qaranka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamuud Guulleed Khadar. Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, Masuuliyiin ka tirsangoleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Taliska Ciidamada Qalabka sida ee Dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

Shirka Amniga qaranka ayaa looga hadlay arrimo la xidhiidha Amaanka, waddashaqaynta hay’addaha DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah DFS, cidhibtirka kooxaha argagixisada ah ee cadawgaSoomaaliyeed iyo qaabaynta guddifarsamo oo ka shaqeeya iskudhafka ciidamada qaranka.
Sidoo kale Shirka Amniga Qaranka ee manta furmay ayaa waxaa looga hadlay isku dhafka ciidamada qaranka, ajandaha shirkaMadaxda qaranka Soomaaliya iyo beesha caalamka ee 4 December 2017 ka furmidoona, kaas oo looga hadlayo arrimo khuseeya Amaanka.

Ugu danbayn, shirka u dhexeeya Madaxda qaranka Soomaliya iyo beesha caalamka ayaa waxaa looga arrisandoonaa arrimo la xidhiidha amniga Soomaaliya, isla markaana waxa ka qayb gelidoona madax ka socota beesha caalamka iyo Madaxda qaranka Soomaliyeed.

=DHAMMAAD=

unnamed-10.jpg unnamed-11.jpg unnamed-12.jpg unnamed-13.jpg unnamed-7.jpg unnamed-8.jpg unnamed-9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this