Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar dheeraad ah oo laga helaayo khasaaraha ka dhashay Dagaal culus oo ciidamada dowlada & Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa khasaaro ka dhashay dagaal maanta ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa waxa uu u dhexeeyay sida aan horayba u sheegnay ciidamada dowlada iyo maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa dhinaca dowlada uga dhintay Saraakiil iyo ciidamo, halka maleeshiyaadka al-Shabaabna ay ku waayen Horjooge iyo maleeshiyaad hubeysnaa.

Saraakiisha dhanka dowlada uga dhintay dagaalka ayaa waxaa kamid ahaa Maxamed Raage oo qeyb ka hogaaminaayay dagaalka dhacay.

Tirada guud ee al-Shabaab uga dhintay dagaalka ayaa la xaqiijiyay inay gaareyso Sagaal, halka dowlada ay dagaalka ku weysay Shan Askari oo uu ku jiro Sargaalka aan kor ku xusnay.

Sidoo kale, waxaa dagaalka ciidamada dowlada looga gubay hal gaari, halka al-Shabaabna laga qabsaday laba Gaari nooca dagaalka ah oo ay ka carareen.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com

The post Warar dheeraad ah oo laga helaayo khasaaraha ka dhashay Dagaal culus oo ciidamada dowlada & Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this