Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Philippine oo musaafurisay muwaadin Soomaaliyeed.

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha garoonka Ninoy Aquino ee dalka Philippine ayaa qabtay nin Soomaali ah oo iska dhigayey muwaadin Swedish ah,xilli uu isku dayey in uu safro dalka UK,sida uu sheegay xafiiska socdaalka maalintii jimcaha.

Cabdinajax Maxamuud Aaden oo 23 sano jir ah,ayaa qarka u saarnaa in uu raaco duullimaadka ku socda magaalada London markii ay qabatay qaybta ilaalinta baasaboorada iyo fulinta sharciga ee ka tirsan xafiiska waaxda socdaalka.

Aaden ayaa magaalada Manila yimid 25 bishii November ee sannadka isagoo isticmaalayey baasaboor Soomaali ah. Maalintii xigtay ayuu isku dayey in uu adeegsado baasaboor Swedish ah,wuxuuna u gudbiyey shaqaalaha shirkadda duulimaadyada dalka Philippine,laakiin si deg deg ah ayaa su’aalo loo weydiiyey kadib markii magaciisa iyo baasaboorkiisa Soomaaliga ah ay ka muuqdeen hannaanka xog-kaydinta ee shirkadda.

Madaxa Laanta hawlgellada Marc Red Mariñas, ayaa sheegay in isticmaalka baasaboor been abuur ah“ay ka dhigantahay in gebi ahaanba dalka laga musaafuriyo”.

Keliyah markii su’aalaha la weydiiyey ayuu Aaden boorsadiisa ka soo saaray baasaboor Soomaali ah.

Aaden ayaa markii dambe la saaray duullimaadkii ugu horreeyey ee u baxay halkii uu asal ahaan ka yimid.

xigasho/http://www.manilatimes.net

PUNTLAND POST

The post Dowladda Philippine oo musaafurisay muwaadin Soomaaliyeed. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this