Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay iyo madaxweyne Farmaajo oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa daqiiqado ka hor magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta madaxtooyada Villa Somalia si rasmi ah uga furmay shirkii Golaha Amniga Qaranka, waxaana shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankaan ayaa waxaa xaadir ku ah

1) Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoonka ah

2) Ra’isulwasaaraha Soomaaliya

3) Madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya

4) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho

5) Wasiirka Cadaaladda

6) Wasiirka Difaaca.

7) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiiinta

8) iyo Wasiirka Amniga Gudaha.

Shirkaan oo socon doono muddo hal maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa  Xaaladda amni ee dalka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah  Ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ee gumaadka ku hayo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa qodobada laga hadlayo kamid ah dhisitaanka Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan qodobadii laga wada hadlay, waana idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay iyo madaxweyne Farmaajo oo.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this