Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Nuur Baaruud goorma ayaa loo magacaabay afhayeenka dowladda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waa mid kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee sida  weyn looga garanayo gayiga Soomaaliya.

Tan iyo markii ay talada dalka la wareegtay dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku dhex milmay siyaasadda, waxaana isaga dhex darsoontay doorkiisii wadaadnimo iyo inuu yahay afhayeenka dowladda Soomaaliya.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa dhawr jeer weerar afka ah ku qaaday Xildhibaano aan ku qanacsaneyn habka ay u shaqeyso dowladda Soomaaliya.

Sheekha ayaa Xalay mar kale dagaal ku qaaday Xildhibaanada dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin laaluush qaatayaal ,gaar ahaan kuwa aan ku qanacsaneyn dowladda dhexe.

Sheekh Baaruud ayaa sheegay in Xildhibaannada Mooshinka wada ay yihiin cadow la mid ah Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay islamarkaana loo baahanyahay in laga hortago.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre waxaa leeyahay Mooshinka yaan lacag lagu bixinin,ilaa ay ka bakhtiyaan” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ugu baaqay in aysan lacag siin Xildhibaannada.

Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud in marka mooshinka iyo isdiidka siyaasadeed jiro uu amniga dalku qal qal galo,isaga oo taas ka duulayana waxaa uu ku baaqay in Xildhibaannadaas la iska dhiciyo.

Waxay ila tahay insayn wax wanaagsan aheyn inuu Sheekha faraha la galo Siyaasadda isagoo aan wax xil ah ka heyn dowladda, waxaana Sheekha ugu baaqayaa inuu isaga baxo saaxadda Siyaasadda.

Sheekh Nuur Baaruud ayaa u muuqdo inuu hadda yahay afhayeenka dowladda Soomaaliya, wuxuun si toos ah u aflagaadeeyaa Xildhibaanada Soomaaliya.

Xildhibaanada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa u furan inay dowladda Soomaaliya mucaaradaan ama ay taageeraan taasoo ku xiran hadba sida ay tahay siyaasadda iyo Xaaladda dalka, balse waxaa wax lala yaabo ah inuu Sheekh Nuur u gafo xildhibaanada.

Mar hore ayuu sidan oo kale Sheekh Nuur soo jeediyay in Xildhibaannada mooshinka ka waday Xukuumadda Kheyre loogu galo guryahooda islamarkaana la iska dhiciyo, arrintaas oo halis ah.

Arrintaas waxaa ka carooday XIldhibaannada qaar,waxaana Golaha shacabka la hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaas ah waxaana uu Xildhibaannada ka hor sheegay in hadalka Sheekh Baaruud uu iyaga gef ku yahay loona baahanyahay in haddii Xildhiabaannada wax gaaraan isaga wax laga weydiiyo.

W/Q: Cabdicasiis Maxamed Maxamuud

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

The post Sheekh Nuur Baaruud goorma ayaa loo magacaabay afhayeenka dowladda? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this