Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kala soctaa tirade dilalka ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii November ee 2017? (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bishii November ee 2017 uu dilal kala duwan ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo lala eegtay Saraakiil, Askar, Odayaal iyo dad shacab ah.

Dilalka ugu badan ee bisha November 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa badi lala eegtay Askar ka tirsan dowlada Federaalka.

Dilalka noo diiwaan gashan ayaa gaaraya 11 dil, oo dhacay wakhtiyo kala gadisan sida xiliyada subixii.

Dilalka dhacay ayaa ahaa kuwo madax-jabis ah oo ay geysteen maleeshiyaadka Shabaab ee sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada Federaalka.

Hadaba Dilalka dhacay ee noo diiwaan gashan ayaa dhacay xiliyada kala ah:

1-November 4, 2017, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Degmada Hodan, gaar ahaan xaafada Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Sargaal ka tirsan Booliska oo lagu magacaabi jiray Maxamed Dheere.

 

2-November 9, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda ku dilay Agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Duleedka magaalada Muqdisho.

 

3-November 9, 2017, Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa qof shacab ah ku dilay afafka hore Jagbuuntiga laga galo Garoonka Aadan Cadde ee ku dhow isgooyska lamber afar, waxa uuna shaqsigaasi watay gaari uu doonaayay inuu la’aado dhanka Garoonka.

 

4-November 12, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa  Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dileen Nin Oday ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Jaciir kana tirsanaa Ergadii Maamulka Hirshabeelle ku soo doortay Xildhibaanada.

 

5-November 13, 2017, Askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa agagaarka Xarunta degmada Kaaran ee gobolkaan Banaadir ku dilay Oday da’ ahaa xili uu kusii jeeday Salaad subax.

 

6-November 13, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Nageyle ee Degmada Kaaraan ku dilay Nin Magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Cadaawe (Maxamed Dheere).

 

7-November 22, 2017,  Ilaalada Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa agagaarka Isgooyska Sayidka ku dilay Alle ha u naxariistii Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug.

 

8-November 23, 2017, Askari ka tirsan Ciidamada Minishiibiyada DFS ayaa si bareer cad ah waxa uu degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ugu toogtay nin dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj.

 

9-November 26, 2017, Labo ka mid ah Ciidamada Dowladda ayaa lagu dilay Isgoyska Sanco ee Degmada Kaaraan, waxaana dilkaasi geystay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee xasilinta lagu Magacaabo.

 

10- November 30, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolada ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida Qaranka ‘’NISA’’ xili uu ku sugnaa agagaarka wadada General Daa’uud, qaybteeda Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

 

11- November 30, 2017, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA xili uu ku sugnaa xaafadda 1da Maajo ee Degmada Waaberi.

Si kastaba ha ahaatee, dilalka dhacay Bisha November ayaa noqonaaya dilal aad u yar marka loo eego dilalkii horay u dhacay bilihii tagay.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Maxaa kala soctaa tirade dilalka ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii November ee 2017? (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this