Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadkii ku Geeriyooday Weerarkii Zoope oo tiradoodu ay gaartay in ka badan 500 oo Ruux

Recommended Posts

Deeq A.   

 Truck_bomb_Mogadishu_Somalia.jpg?resize=Muqdisho (PP) ─ Sida laga soo xigtay guddi baaritaanno dheeraad ah ku sameeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 14-kii Oktoobar 2017-ka lagu jiro ka dhacay isgoyska Zope ee Muqdisho ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay gaarayso 512-qof.

Tirada dhimashada Qaraxaas ayaa horay loo sheegay inay ahayd 358-qof oo u badan ganacsato isgoyskaas ganacsiyo kala duwan ku haystay, laakiinse tira-koobkan cusub ayaa meesha ka saaraya tiradii hore.

Weerarkan ayaanay jirin weli koox si rasmi ah u sheegatay inay mas’uul ka ahayd, balse waxaa lagu eedeeyay Kooxda Al-shabaab oo dagaallo joogto ah kula jirta dowladda Soomaaliya ee uu caalamku taageero.

“Tirada guud ee shacabkii waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxii Zope ee aanu diiwaan-gelinay ayaa waxay gaaraysaa 869-qof, dadkaas ayaa 512 qof oo ka mid ah ay ku geeriyoodeen, halka 295-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 70-qof ayaana weli lagu la’yahay,” ayay guddigan ku sheegeen war-bixin ay soo saareen Sabtidii shalay.

16somalia-3-superJumbo.jpg?resize=807%2C

Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa loo saaray inay baaritaanno dheeri ah ku sameeyaan weerarkii argagaxiso ee 14-kii Oktoobar ka dhacay isgoys aad u mashquul badan oo lagu magacaabo Zope, waxayna kusoo beegeen toddobaadkan shaacinta warbixintooda kama dambeysta ah.

Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaa horay u sheegtay in baaritaanno ay ku sameysay weerarkaas ay ku waxyeeloobeen; 689-qof, balse guddigaan ayaa meesha ka saaray shakiyo badan oo jiray, kaasoo ahaa in tirada dhimashadu ay intaas ka badan tahay.

Kooxda Al-shabaab oo qaraxan lagu eedeeyay, balse aan ka hadlin ayaa tan iyo sannadkii 2007-dii dagaal kula jirtay Dowladda Somalia, iyadoo tan iyo xilligaas isku dayaysay inay xukunka ka tuurto, balse aan ku guuleysan.

Ugu dambeyn, weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska KM-5 ee Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii xukunka laga tuurtay dowladda millateriga ahayd 1991-kii.

PUNTLAND POST

The post Dadkii ku Geeriyooday Weerarkii Zoope oo tiradoodu ay gaartay in ka badan 500 oo Ruux appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this