Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobow Abuu Mansuur oo hal arrin darteed u booqday saldhigyada Ciidamada ee Magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay Kormeer ku tagay Saldhigyo ciidan oo ku yaalla Magaalada Baydhabo.

Kormeerka ayaa waxaa ku wehlinaayay xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ciidan.

Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulka K/galbeed ayaa sheegay in ulajeedka Roobow u joogo Baydhabo tahay sidii kaliya ugu kuurgeli lahaa xaaladda amni.

Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in markii uu Roobow soo dhameeyo howlaha uu u joogo Baydhabo kadib ay saxaafadda si wadajir ah ula hadli doonaan isaga iyo madaxda K/galbeed.

Sheekh Roobow ayaa mar kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ee Al-shabaab, balse dhowaan ayuu dowladda isku soo dhiibay kadib markii uu sheegay in Fikirka Al-shabaab yahay mid qaldan.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Nuuradiin.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Roobow Abuu Mansuur oo hal arrin darteed u booqday saldhigyada Ciidamada ee Magaalada Baydhabo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this