Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Amniga oo shaaciyay tirada Al-shabaabkii isku soo dhiibay DF Qaraxii Zoobe kadib (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo ka hadlayay Munaasabad Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu ku soo bandhigayay waxqabadka Xukumadiisa ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adaha amaanka ay gacanta ku dhigeen al-Shabaab farabadan.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in al-Shabaabkaasi gacanta lagu dhigay wixii ka danbeeyay Qaraxii cuslaa ee ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in markii laga soot ago al-Shabaabka gacanta lagu dhigay ay jiraan kuwo kale oo iskooda isugu soo dhiibay Hay’adaha amaanka si ay u helaan magangalyo.

Wuxuu sheegay in 54 maleeshiyo ka tirsanaa Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Hay’adaha amaanka tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu dhacay Qaraxii musiibadda ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho 14-kii Bishii October ee la soo dhaafay.

Waxa uu sidoo kale Wasiirku tilmaamay in 63 kamida Al-shabaab lagu qabtay howlgalo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Degmooyin ka tirsan Gobollada Dalka.

Sidoo kale, waxa uu carab dhabay inay jiraan wadahadalo kale oo lagu doonaayo in lagu soo xiro galiyo Alshabaab kale, waxa uuna cod dheer ku sheegay in mowqifka dowlada uu yahay in tixgalin lasiiyo Al-shabaabka isa soo dhiibay.

Haddalka Wasiir Islow ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay soo buux dhaafiyeen Al-shabaab farabadan oo kasoo baxsaday duqeymaha ka socda Gobolka Shabellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Wasiirka Amniga oo shaaciyay tirada Al-shabaabkii isku soo dhiibay DF Qaraxii Zoobe kadib (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this