Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Looga Hadlayo Amniga Qaranka Oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida uu qorshaya yahay, maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ballaaran oo looga hadli doono amniga guud ee Qaranka.

Shirkan waxaa yeelanaya golaha amniga qaranka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne Maxamd C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana looga hadli doonaa dardargelinta howlaha amniga guud ee Soomaaliya.

November 5, 2017 shirkii magaalada Muqdisho ugu soo dhammaaday golaha amniga ayaa la isku raacay in maanta oo ah 03/12/2017 magaalada Muqdisho lagu qabto shirkan.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeybgali doona shirkaan, iyadoo qaarkood ay magaalada Muqdisho soo gaareen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this