Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo lagu qabtay ruux ku labisnaa dharka Haweenka oo ku howlanaa damcsanaa qorsho halis ku ah amniga (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ku labisnaa dharka Haweenka xili eeryada lagu qabtay uu ka socday howlgal.

Ninkaani oo da’diisa lagu sheegay 20 ilaa 30 Jir ayaa waxaa la sheegay inuu damacsanaa in magaalada Muqdisho uu ka geysto falal amni darro.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Somalia Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaale’’, ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay wargalin ka heleen dad shacab ah oo ka dhawaa goobta waxa uuna tilmaamay in shaqsigaasi oo watay Indha sharer iyo xijaab la horgeyn doono sharciga.

Wasiir Ducaale, waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay gaareen heer ay ku dhex noolaan waayen bulshada, balse ay uga dabatagi doonaan goob waliba oo ay kaga dhuumaaleystaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiir Ducaale ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay la shaqeeyan Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka si magaalada looga saaro waxa uu ugu yeeray argagixisada.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo uu qabsaday Ra’isul wasaare Kheyre, taa oo loogu dabaal-dagaayay waxqabadka Xukuumadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Muqdisho oo lagu qabtay ruux ku labisnaa dharka Haweenka oo ku howlanaa damcsanaa qorsho halis ku ah amniga (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this