Deeq A. Posted December 3, 2017 Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo dhowaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa 24-kii saac ee ugu dambeysay wuxuu kormeer ku tagay xarumo ciidan oo ku yaalla magaaladaasi. Roobow ayaa kormeeray saldhiyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed ka degan yihiin Baydhabo iyo duleedkeeda. Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulka K/galbeed ayaa sheegay in ulajeedka Roobow u joogo Baydhabo tahay sidii kaliya ugu kuurgeli lahaa xaaladda amni. Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in markii uu Roobow soo dhameeyo howlaha uu u joogo Baydhabo kadib ay saxaafadda si wadajir ah ula hadli doonaan isaga iyo madaxda K/galbeed. Sheekh Roobow ayaa mar kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ee Al-shabaab, balse dhowaan ayuu dowladda isku soo dhiibay kadib markii uu sheegay in Fikirka Al-shabaab yahay mid qaldan. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites