Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ciidamo tubtay xadkeeda iyo Al-Shabaab oo dib u dhaafay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii ugu badnaa ee ka tirsan al-Shabaab ay gudaha u galeen Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Deegaanada ay maleeshiyada ilaa iyo hadda ku sugan tahay ayaa waxaa kamid Deegaanka Ceelcade ee Gobalkaasi waxa ayna markoodii hore ay kasoo baqooleen Saldhigyo ay ku lahaayen Jubbada Dhexe, sida aan ku sheegnay wararkeenii hore.

Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay inay la socdaan ilaa Seddex Horjooge oo ka tirsan al-Shabaab oo uu ugu horeeyo Horjoogaha ugu sareeya argagixisada Somalia ee al-Shabaab Abuu Cubeyda oo baxsad ka ah diyaaradaha al-Shabaab.

Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada dowlada ee Gedo ayaa xaqiijiyay in qorshaha maleeshiyaadkaasi uu yahay inay ka talaaban xadka ay Somalia la wadaagto Kenya.

Wuxuu intaa ku daray in maciin bidayaan duqeymaha Kenya ee aan khasaaraha geysan marka loo eego kuwa Mareykanka ee aan laga baxsan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowlada Kenya ay ciidamadii ugu badnaa soo tubtay xadka ay la wadaagto Somalia, waxaana xusid mudan in halkaa ay kasoo dageen ilaa 5 diyaarad nooca dagaalka ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa in maleeshiyaadkan ay awood ku maquuniyaan ciidamada Kenya ee ku sugan xadka ay la wadaagan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this