Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ashkir.” Raysal Wasaare Kheyre hanoo fasiro Soomaaliyada Cusub waxa uu ka wado.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu horrayn Waxaa Jira laba heer oo Ereyada loo macneeyo;waa tan Kuwaadee (Musdalax) oo ah: Sida Ereyga luuqad ahaan loo Fasiro;Waa tan labaadee (Mafhuum) oo ah:Macnayaal uu Ereyga wadan karo oo ka baxsan tan luuqadda kaliya ah.

haddaba, hal-ku-dhagga ah: “Soomaaliyada Cusub” ma iska tiri Xukuumadda Raysal Wasaare Khayre,mise Macno intaa ka fog oo loo fasiran karo baa jira.

bal aan Ereygaas “Cusub” aan dhawr Tusaale oo dunida ah u soo qaadano.
1:Ethopiada aan dariska nahay markii Xisbiga talada haya yimid Xukunka “EPRDF”1991-dii wuxuu ku dhawaaqay

“Ethiopia-da Cusub” oo macnaheedu ahaa: Ethopia hal Aragti leh oo talada dalka ay ka arimiyaan dhammaan qowmiyadaha daga,kaniisadda iyo Siyaasaddana la kala furo “Calmaaniyad”

2: Halgankii Koofurta sudan laga bilaabo 1956-2011 waxaa hal-ku-dhag ayagana u ahaa “Sudaanta Cusub” Oo uu “John Garang” ka qoray Shirkii “Nayfaasha- 2005” ka dib buug uu ugu magac daray “New Sudan” ku sharxayna “New Sudan” in ay ula jeedaan Sudan aan Islam iyo Carab midkoodna awood ku lahayn,lagu baddali doonaana dad isirkooda Pure African yahay, diin ahaana masiixiyiin ka soo jeedaan. 

3: duulaankii lagu bur buriyay Ciraaq 2003-dii Waxaa soo Ifbaxay Eray bixinno ay ka mid yihiin “Nadaamka dunida Ee Cusub” “Mareenkanka Cusub” oo labaduba loola jeedo in la awoodeeyo diintii J.W.Bush Ee ahayd ” Al-Misiixiyuuna Al-Dahraaniyuun” oo ah madhab Cusub Oo Christian ah,loona sameeyay in uu difaaco danaha Yuhuuda iyo Isrial.]

Waa Su’aale Raysal Wasaare Khayre Muxuu ula jeedaa Soomaaliyada Cusub?!

 

24232267_1666380790098832_68745003444470

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this