Sign in to follow this  
Deeq A.

A list of bombings that occurred in Mogadishu in November

Recommended Posts

Deeq A.   

November 2, 2017

Qarax lagu xiray gaari raaxo ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgooys Banaadir iyo Isbitaal Digfeer ee Degmada Hodan, waxaana xiligaa gaariga ka maqnaa ruuxii loogu tallo galay Qaraxa.

 

November 08 2017

Qarax gaari lagu xiray ayaa waxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Imigration-ka oo ku taala wadada Shaqaalaha Degmada Hodan, waxaana gaarigaasi lahaa Dr Xirsi Dhiblaawe oo ahaa Dhaqtar dhanka Cudurada Wadnaha, kana howlgali jiray Xarun Cafimaad oo ku taalla agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Salaad.

 

November,9, 2017

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa wadada Warshadaha lagula eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidan katirsan Milatariga Somalia oo kusii jeeday Wasaarada Gaashandhiga waxaana ku dhaawacmay Seddex ruux oo shacab ah.

 

November,9, 2017

Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari raaxo ayaa duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Waydoow lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM.

 

November 22, 2017

Ciidamo ka tirsan Xasilinta ayaa Qarax miino lagula eegtay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Isgoyska Tarabuunka, waxaana ku dhintay Hal Askari, halka midka kale uu dhaawac soo gaaray.

 

November 24, 2017

Qarax lagu xiray gaari nooca Raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Hoteel Amiira Degmada Hodan ee Gobolka Banadir.

 

November 24, 2017

Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Bam gacmeed ku tuuray afafka hore ee Amiira Degmada Hodan.

 

November 30, 2017

Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Boondheere, gaar ahaan meel ku dhow Isbitaalka Somali Jarmal, waxaana Qaraxa gaariga loogu xiray Laba Wariye oo ka howlgalaayay Xarunta TV-ga Qaranka ee Muqdisho, kuwaa oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi Maxamed Weli iyo Daahir Cabdiweli, waxaana Qarxay keliya gaariga.

 

Source: Caasimada.net

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this