Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo Magaalada Alqudus u aqoonsanaya Caasimadda Yahuudda

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa lafilayaa in uu dhowaan ku dhawaaqo aqoonsi buuxo oo uu siiyo waxa loogu yeero dowladda Yahuudda ee dhulalka Filasdiin heysata.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in Arbacada soo socota uu Trump jeedin doono khudbo uu ku amrayo in safaaradda Mareykanka loo raro magaalada Alqudus taas oo noqonaysa dowladdii ugu horraysay ee caalamka Qudus u aqoonsata magaalo Yahuuddu leedahay.

Hoggaamiya Mareykanka ayaa diblumaasiyiinta American-ka fari doona in ay uguuraan magaalada Alqudus ayna halkaas kasii wadaan shaqada diblumaasiyadeed ee Mareykanka ay ku metelayaan.

Ictiraafkan Trump ayaa lafilayaa in uu burburiyo waxa loogu yeero wadahadalladii Nabadda ee udhaxeeyay Maamulka Filasdiin iyo Yahuudda, Trump ayaa sanaddii 2016 xilligii uu u tartamayay xilka madaxtinimada wuxuu ballan qaaday in uu safaaradda Mareykanka u rari doono magaalada Alqudus.

Alqudus oo ay leeyihiin muslimiinta waxaa ku yaal masjidka Barakeysan ee Al-aqsaa oo ah goobta sedaxaad ee ugu kheyrka badan caalamka waana qibladii ugu horraysay ee muslimiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this