Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo+sawirro: Hay’adda la dagaalanka AIDska Puntland ( PAC) oo Garowe ku qabatay kulan ku saabsan wacyi-gelinta bulshada ee halista cudurka AIDs-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo shalay la xusay maalinta caalamiga ah ee cudurka AIDS-ka oo ku beegan 1 Dec sannadkasta,ayaa xalay magaalada Garoowe lagu qabtay kulan isugu jiray casho sharaf iyo ka wacyi-gelinta bulshada ee halista cudurkaan.

Munaasabad ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen madaxweyne ku-xigeenka Puntland,guddoomiyaha Baarlamanka, xubno ka socday golaha wasiirada,madaxda hay’adda la-dagaallanka AIDS-ka Puntland ee PAC iyo marti sharaf kale,ayaa sidoo diiradda lagu saarayey sida loo yareyn karo takoorka ay la kulmaan dadka la’nool cudurka.

Maxamuud Warsame Maxamuud oo ku hadlayey afka dadka la nool cudurka ayaa sheegay in uu jiro faquuq iyo takoor ay kala kulmaan bulshada,isagoo tusaale u soo qaatay in shaqadiisi uu waayey,kadib markii laga helay AIDS-ka.

Agaasimaha hay’adda la-dagaallanka AIDS-ka Puntland ee PAC Cabdulqaadir Maxamed Burburshe oo ka warbixiyey heerka cudurkaan ee guud ahaan degaannada Puntland ayaa soo bandhigay shaxan muujinaya in sannadba sannadka ka dambeeya uu siyaadayo cudurkaan.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi xaaji Cumar(Camey) oo kulanka soo xiray ayaa ku dhawaaqay in aan cid dambe shaqo looga cayrin doonin cudur ku dhacay awgiis,wuxuuna bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay joojiyaan takoorka lagu hayo dadka la’nool AIDS-ka.

Intii munaasabaddu socotay ayaa lagu soo bandhigay buug ka hadlaya dhibaatada ay la kulmaan dadka qaba cudurka HIV/AIDS,sidoo kale waxaa la magacaabay u heellanaha ka hortagga dhaleecaynta iyo faquuqa loo geysto dadka la nool cudurka.

Muuqaal 

sawirro.

IMG_3335-1.jpg?resize=600%2C400IMG_3349-1.jpg?resize=600%2C400IMG_3357-1.jpg?resize=600%2C400IMG_3370-1.jpg?resize=600%2C400IMG_3373-1.jpg?resize=600%2C400IMG_3390-1.jpg?resize=600%2C400IMG_3400-1.jpg?resize=600%2C400IMG_3406-1.jpg?resize=600%2C400IMG_3414-2.jpg?resize=600%2C400IMG_3417-1.jpg?resize=600%2C400IMG_9413.jpg?resize=600%2C337IMG_9423.jpg?resize=600%2C400IMG_9424.jpg?resize=600%2C400IMG_9426.jpg?resize=600%2C400IMG_9427.jpg?resize=600%2C400IMG_9442.jpg?resize=600%2C337IMG_9444.jpg?resize=600%2C337IMG_9445.jpg?resize=600%2C337IMG_9446.jpg?resize=600%2C337IMG_9447.jpg?resize=600%2C337IMG_9469.jpg?resize=600%2C400IMG_9473.jpg?resize=600%2C400IMG_9474.jpg?resize=600%2C400

PUNTLAND POST

The post Daawo+sawirro: Hay’adda la dagaalanka AIDska Puntland ( PAC) oo Garowe ku qabatay kulan ku saabsan wacyi-gelinta bulshada ee halista cudurka AIDs-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this