Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynaha Jubbaland Oo Muqdisho u Yimid Ka Qeybgalka Shirka Golaha Amniga Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan Labada gole ee dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe oo si kooban saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay in Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka golaha amniga oo magaalada ka dhici doona.

Dhanka Kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho uu aad usoo hagaagayo marka loo eego sanadihii u dambeeyay isaga oo ra jeeyay in la gaaro isku filnaansho dhanka ammaanka ah.

Madaxda mamul goboleedyada kale ee dalka ayaa iyaguna lagu wadaa iney soo garaan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirka golaha amniga qaranka ee 4-ta bishan ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Goobjoog News

a4a3a2a1

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this