Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday 8 deegaan oo ay Al-Shabaab ka xukumaan dalka Kenya iyo Xaaladda oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Saraakiisha amaanka dalka Kenya ayaa sameeyay istiraatiijiyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee degaannada Bariga dalka Kenya.

Saraakiisha ayaa qorshahoodan ku calaamadeeyay degaannada qaar in ay yihiin kuwo halis ah (Red Spots),waxaana ay sheegeen in Dowladda iyo shacabkaba aysan tagi karin degaannadaas marka laga reebo dagaal ku talagal ah.

Hay’adaha amaanka ayaa shaaciyay in degaannada kala ah;  Lamu,Witu,Garsen,Nyongoro, Maisha, Lango la Simba, iyo  Milihoi ay yihiin meelaha ugu halista badan dhinaca amaanka dalka Kenya AL-shabaabna ku xoogganyihiin.

Waxaa ay sidoo kale ku dhawaaqeen in Saraakiil Ciidan loo dirayo degaannadaas si ay qiimeyn ugu sameeyaan habka loo wajahayo dagaalka ka dhanka Al-shabaab ee degaannadaas.

Taliyaha Booliska Lamu, Gilbert Kitiyo ayaa sheegay in degaannada qaar bil gudaheed ay ka dhaceen shan weerar kuwaas oo lala beegsaday saraakiisha Ciidamada iyo Gaadiidka dadweynaha ee maraya waddooyinka isku xira Gobolka Bariga Kenya.

Bishii July 13keedii Al-shabaab ayaa afduubtay Mariam El-Maawy, oo ka mid ahayd Xukuumaddii hore ee Uhuru Kenyatta,waxaa badbaadiyay Ciidanka Kenya hayeeshee intii uu howlgalka socday ayuu dhaawac gaaray waxaana ay ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla Dalka Koofur Afrika.

Weerarkaas waxaa kale oo ku dhintay Wiil ay habaryar u ahayd iyo shan ilaaladeeda ahaa,waxaana lagu weeraray degaanka Milihoi oo hadda ka mid ah degaannada la geliyay goobaha halista ah.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey Al-shabab weerareen Gaadiidka dadweynaha iyo saraakiil galbineysay oo marayay Waddada Lamu iyo Mombasa,waxaa ay dileen qaar ka mid ah Askartii,waxaana dadweynihii ay u qeybiyeen Cajalado jihaadka faraya,warqadaha digniinta ah iyo hanjabaad afka ah.

Kulanka Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa lagu soo qaaday in la dhiso Waddada Lamo iyo Garsen,taas oo ay sheegeen in ay dhimi karto qatarta amaanka ah ee ka jirta Gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this