Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii 3aad ee maamulka HirShabelle oo ku dhawaaqay iscsilaad & Wasiiro kale oo la filaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa iscasilaad ku dhawaaqay Wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha gudahaa maamulka Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi oo xilkaasi loo magacaabay muddo Seddex cisho laga joogo.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha gudahaa maamulka Yuusuf Cali Cilmi, ayaa sheegay in xilkaasi uu isaga casilay inaanu ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay.

Wasiiru Dowlaha iscasilay ayaa noqonaaya kii 3aad oo muddo Seddex cisho gudaheeda isku casilay, waxa uuna mid weliba cadeeyay in sababta is casilaadiisa ay tahay qanaaco la’aan.

Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa arbacadii lasoo dhaafay magacaabay Golaha Wasiirada maamulkiisa oo ka koobnaa 57 Wasiir oo aanu ku jirin Wasaaradda Haweenka.

Yuusuf Cali Cilmi, ayaa noqonaaya Xubintii Saddexaad oo ka mid ah golaha wasiirada uu magacaabay Hogaamiye Waare oo shaaciyay inuu is casilay.

Geesta kale, waxaan iscasilaadani weli ka hadal Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare oo aan weli lagu qancin magacaabidiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this