Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Walaalaynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka oo lagu dhowaaqay soona saaray warbixintoodii ugu horeysay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirweynahaan oo ay kasoo qaybgaleen ergooyin ka kala yimid magaalooyinka Gaalkacyo, Burtinle, Buuhoodle, Laascaanood, Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Baran, waxaana lagaga dooday siyaabaha iyo waddooyinka ugu munaasibsan ee dadkeena loo walaalayn karo, qabyaaladda iyo isnacaybkana looga saari karo, dhismaha gole shaqadaas u taagan, axdiga golaha, qorshaha shaqada iyo xulashada guddiyadii maamul ee golahaas.

Dood socotay maalintii khamiista oo dhan ka dib waxaa shirweynuhu isla gaaray arrimahaan soosocda:

  1. In dadkeena meel ay dunida kajoogaanba ay haystaan dhibaatooyin kadhashay qabyaaladda iyo dagaallada sokeeye, dhibaatooyinkaasna ay soomaali iyadu aasaas u ahayd, loona baahanyahay inay wax kaqabato; waayo ruqo ninki ilahaa dabada kagataaganyahay ma kacdo.
  2. Si arrintaan wax looga qabto inay lagama maarmaantahay inay is-uruursadaan dadka wanaagasan ee xilkaska ah, ayna isukaashadaan walaalaynta bulshada soomaaliyeed iyo tirtirida cuqdadaha iyo kala shakiga dhexyaal.
  3. In la dhiso Gole shaqadiisu tahay hirgalin ta barnaamijka walaalaynta iyo qabyaaladdiidka oo ay kujiraan dad xul ah ooqaybaha bulshada kasocda, waxaana loogu wanqalay: golahawalaalayntabulshada&qabyaaladdiidka.
  4. Shirweynuhu wuxuu ansixiyey axdiga golaha iyo qorshihiisa shaqo.
  5. Waxaa la doortay guddiga joogtada ah ee golaha dhexe iyo shirguddoon koodii. Waxaa kale oo la doortay guddoomiyaha guddiga fulinta ee Golaha walaalaynta Eng. Maxamed Cali Cabdi (Badwi).Xafladda xiritaanka Shirweynaha oo luguqabtay Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika Garowe waxaa kasooqayb galay Madaxweyne kuxigeenka P/land Eng. C/xakiin C/lahi X. Cumar Camey, wasiirro, isimo, Cuqaal, Culimo, Ganacsato, Bahda waxbarashada, bahda Saxaafadda, suugaan yahano Iyo ergooyinkii gobolada kayimid.

UstaadFaarax C/laahi Cumar Gardan ayaa xafladda ku furfuray mahadcelin, soodhaweyn iyo warbixinkooban, kadibna waxaa hadal walaalnimada muslimiinta kahadlaysa soojeediyey Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika faraca Garoowe  Sh. Maxamuud XaajiYuusuf .

Intaa ka dib Madaxa guddiga qabanqaabada Sh. Axmed C/samad iyo guddoomiyaha fulinta Golaha Walaalaynta Eng. Maxamed Cali ayaa kawarbixiyey ahmiyadda walaalaynta bulshada iyo marxaladihii uu soomaray abaabulka barnaamijkaan.

Waxaa kale oo ay wax katilmaameen ujeeddooyinka loo aas’aasay Golaha walaalaynta, ahmiyaddiisa, shaqooyinka uuqabanayo, waddooyinka loo marayo shaqooyinkaas, hababka iyo siyaasadaha la raacayo iyo waliba  miraha lagafilanayo.

img_9834
img_9838
img_9839
img_9840
img_9842
img_9843
img_9844
img_9845
img_9847
img_9850
img_9852
img_9853
img_9854
img_9856
img_9859
img_9864
img_9870
img_9872
img_9874
img_9880
img_9881
img_9882
img_9883
img_9884
img_9885
img_9886
img_9887
img_9888
img_9889
img_9890
img_9891
img_9892
img_9893
img_9897
img_9899
img_9900
img_9901
img_9906
img_9908
img_9909
img_9911
img_9912
img_9917
img_9834
img_9838

Waxay codsadeen in barnaamijkaan laga wadashaqeeyo, lana taageero maamul iyo dadweynaba waxayna Cadeeyeen In Golahaani Asan Lahayn Cid gooni ah Kana howl galayn Gobol gooni ah waxaana uu u furan yahay dhamaan bulshada Soomaaliyeed qofwalba oo diyaar u ah in uu kaqayb qaato qabyaalad ladirirka waa u furan yahay .

Waxaa kalimad muhiim ah soojeediyey Suldaan C/qani Qorane ooyiri: soomaali cid ay la collowdo ayayweyday. Markaasayay iyadu cadow iskadhigatay. Waxaa isna dhankiisa bogaadiyey barnaamijkaan Wasiirka Deegaanka  Dr. Cali C/laahi Warsame oo yiri: barnaamijkaan waan soo dhawaynayaa  waxaan maqlo waa kii ugumudnaa ee aan maqlo , wuxuuna sigaara farta ugu fiiqay saamaynta jahliga iyo faqrigu ay kuleeyihiin faafitaanka qabyaaladda.

Gabagabadii waxaa xafladda soo gunaanaday Madaxweyne Kuxigeenka P/land Eng. C/xakiin Cumar  oo barnaamij kaan  soodhaweeyey, kana hadlay ahmiyaddiisa, islamar kaana soo jeediyey talooyin muhiim ah.

waxaana uu dhankiisa balan qaaday ka dowlad ahaan in ay kala shaqayn doonaan  Golayaasha Ladoortay Sidii ay u gaari lahaayeen  Guul.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this