Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay shirka Khuseeyay arrimaha Somalia ee ka dhacay magaalada Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ka furmay shir looga hadlaayay arrimaha xagjiriinta Somalia ee al-Shabaab ee aadka uga soo horjeeda Nabadda iyo Xasiloonida Somalia.

Shirkan oo ahmiyad gaara lahaa ayaa waxaa isla waday  guddiga Isku xirka hawlgalada Milatari ee MOCC iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia AMISOM.

Shirka xoogiisa ayaa waxaa looga arrinsaday sida loogu guuleysan lahaa howlgalada lagu ugaarsanaayo al-Shabaab iyo in laga dhabeeyo duulaanka ay dowlada Somalia ku tahay Shabaab.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay taageerada Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya iyo Sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka al-Shabaab.

Shirkan ayaa noqonaaya kii 25aad waxaana kasoo qeyb galay wadamo dhowr ah oo qaarkood ay ciidamo ka joogan Somalia.

Wadamada kaalinta ku lahaa shirka ayaa waxaa kamid ah Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Uganda iyo Somalia oo uu shirka khuseeyey.

Waxaa shirka marti ku ahaa Wakiilo ka socday Ururrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo kaalin ku leh taabagalinta howlgalada ay Somalia kawadaan ciidamada AMISOM.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa isla shir guddoominaayay   Guddoomiyaha Nabadgalyada iyo Amniga Midowga Afrika Smail Chergui.

Waxaa sidoo kale laga hadlay sidii AMISOM ay kaga bixi laheyd Soomaaliya, islamarkaana Ammaanka Soomaaliya loogu wareejin lahaa ciidamada Somalia.

Maaha shirkii ugu horeeyay oo loo qabto arrimo ku saabsan Somalia, waxa ayna shirarka cenkaani ah ka marqaati furayaan inaan Somalia laga laheyn mustaqbal fog, maadaama aan laga dhabeyn go’aanada kasoo baxa shirka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this