Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Abu Mansuur oo Shariif Xasan usoo bandhigay laba arrin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan magaalada Baydhabo ku dhexmaray Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wadaadka ka xuroobay al-Shabaab Mukhtaar Roobow Cali ‘’Abuu Mansuur’’.

Kulanka labada mas’uul oo qaatay dhowr saac ayaa waxaa lagu go’aaminaayay duulaan la qorsheynaayo in lagu qaado Saldhigyada ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Hoose.

Kulanka ayaa waxa ay labada mas’uul isku weydaarsadeen macluumaad laga helay Sirdoon uu Mukhtaar Roobow ku dhex leeyahay al-Shabaab, kaa oo muujinaaya in maleeshiyaadka ay qorsheynayaan duulaankii ugu ballaarnaa abid oo ay ku qaadan magaalada Baydhabo.

Mukhtaar Roobow oo ku firfircoon xeeladaha ay dheelan al-Shabaab ayaa Hogaamiyaha maamulka usoo jeediyay laba arrin oo kala ah:

1-In ciidamada maamulka iyo kuwa isaga daacada u ah loo daad-gureeyo dhufeysyada ay iminka ku sugan yihiin al-Shabaabka.

2-In ciidamada Ethiopia la geeyo deegaanada ay weerarada kasoo qaadan al-Shabaab maadaama ay wataan gaadiidka gaashaaman ee aan ka waaban Qaraxyada iyo Hubka culus oo ay adeegsadaan Shabaabka.

Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa aad usoo dhaweeyay labada qodob ee uusoo jeediyay Mukhtaar Roobow, waxa uuna arrintaasi fulinteeda ku amray Wasiirka Amniga maamulka iyo Saraakiisha ku magacaaban amniga.

Sidoo kale, Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Mukhtaar Roobow ayaa isla soo qaaday in laga wada shaqeeyo amniga deegaanada maamulka, waxaana dhankiisa kasoo dhaweeyay Roobow.

Dhinaca kale, Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow ayaa isla wada diyaarinta duulaan lagu soo afmeeraayo dhaqdhaqaaqa guud ahaan al-Shabaab ay kawadaan Gobolka Shabellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this