Sign in to follow this  
Deeq A.

MPs from Siyaad Barre's clan send a strong warning

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaano Isugu jira labada aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta ku kulmay hotel Jasiira Ee Magaalada Muqdisho waxayna shirkooda kaga hadleen xaalada siyaasada dalka iyo sida xayndaab adag loogu noqon lahaa dowladnimada Somaliya.  Intaas kadib Furitaanka shirka xildhibaanada Beesha Siyaad Barre ayaa lagu sameeyay gudi ka Shaqeeya isku xirka iyo wada shaqaynta xildhibaanada beelaha guud ee Siyaad Barre sidoo kale waxay go'aan mid ah kawada qaateen wax kasta oo qal-qal siyaasadeed galinayo wada jirka iyo dowladnimada soomaaliya . Xildhibaanadan ayaa fariin adag u diray mucaaradka dowladda Soomaaliya kuwaas oo u abaabulan qaab beeleed waxayna kula taliyeen in ay ilaaliyaan wada jirka umada soomaaliyeed kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho.
 
Hadaba Xildhibaanadan oo Tira ahaan dhamaa 58 Xildhibaan Waxey Shirkoodii k soo saareen Qodabo Xasaasi ah Oo ka kooban shan qodob oo kala ah,
 
1 in la dhowro Tastuurka Dalka u Dagsan
2 in sharuud La’aan lagu Joojiyo mucaaradka Foosha Xun ee Salka Ku haya Qaabka Qabiil iyo dhaqan Jamhadeedka.
3 in la joojiyo Gacan Dhaafka Dowladdda Laguna .Tixgaliyo Howsha loo idmadey;
4 in la joojiyo Faquuqa Lagu hayo Dowladnimada Somaliya
5 inaanan la aqbli karin faragalinta shishaaye taasoo loo adeegsanyo siyaasiyeenta qaar.
 
Ugu danbayn xildhibaanada labada aqal ee beesha Siyaad Barre ayaa go,aansaday in ay meel kaga soo wada jeestaan cid kasta oo duulaan ku ah xukunka madaxwayne Maxamed abdullaahi farmaajo iyo Ra,isul wazaare kheyre waxayna lama huraan ku Tilmamaan daganaasho siyaasadeed oo wadata wada shaqayn Dowladnimo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Farmaajo is facing some serious challenges, but I don't believe dark plot by the opposition is one of them. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Reer galbeedka biyaha laga cabbo noocyo badanaa.!

 

Qoraagan wax wayn baa ka khaldan.

Siyaad barre waxay isku beelyihiin muslimiinta mootan,ama dhimatay,warna uma uu hayo in xildhibaano ay isku beel yihiin ku shireen hotel jasiira.

 

Ma xasaasiyad bay keenaysaa hadduu  yiraahdo xildhibaano farmaajo ay isku beel yihiin?! soo dastuurka nooguma qorna 4.5?

 

Usoo noqo mowduuca

Waxaa u wanaagsan aragtidayda inaysan beelo beelo u shirin kuna dayan walaalahood sababtoo ah wax natiijo ah keeni mayso waa fadhi ku dirir.

 

Mucaarad iyo muxaafad shisheeye ilaaliyo,haddana quudiyo, ayagaa ka qoslin kara, hadana aamusin kara.

Allahu-mustacaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow that meeting was Puntlanders, Juballanders, Gedoans and all other D-block mps getting together to support Farmaajo's struggling goverment. There is big HAG opposition building up in Mogadisho against Farmaajo because HAG never likes to lose the presidency and the last few months have been really hard for them to accept Farmaajo. You see Farmaajo was brought on by a group of HAG lobbyist who built a brilliant profile for him as the quintessential nationalist who gives Siyad Barre a run for his money. but we all know Farmajo is no Siyad Bare. Farmajo's supporters got positions after he won but the rest of HAG got nothing. niyoow Farmajo fell into the tight hands of Dayniile community which is his wife's family (PM Kheyre's family) and there was always big competition between Unuka, Galmudug and Dayniile families. one thing that really made unuka family upset is that farmaajo is worse on security than qoslaye was and their guy got a bad reputation because of it.  D-block community is arguing that security is bad because unuka and Galmudug branch of the HAG family are behind all the qarax and insecurity helping Alshabab terrorists becuase they want Farmaajo to fail so that they can take over presidency again. 

 

it is a complicated clan chess game niyoow. 

  • Like 1
  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Moge saaxiib qabiil loo kala shiro macno keeni mayso.

 

Hakala qaadin nimankaan seedi iyo sodog unuka iyo anaka isku rati baa dhalay midba markiisa yuu handbreak'ga jiidanayaa wadankuna saasuu ku dayacmi

 

Mucaaradku waa wax wanaagsan waxbuu dhisaa ma dumiyo sidaan in badan sheegay waa hadday garanayaan farqiga u dhaxeeya khadka cagaaran iyo kan madaw.

 

Tusaale

Haddii mucaaradnimadadu noqoto"dan"gaara,ama beeshaada,shacabku wuu akhrin karaa "qabbi" aan waxba kala ogayn ma'ahan ama doqomo, waxayna kaa siibaysaa shaatiga xilkasnimo.

 

Mustaqbalka, berrina ma oran kartid dan somaaliyeed yaan u taagnahay ama u sharaxnahay, beelna  cid wax ku noqon kartaa ma jirto waa soo marnay jidkaas.

 

Hadday aaminsanyihiin in qabiilkoodu kaligiis taliyo waxay wadanka soo xukumayeen 27'kii sano ee lasoo dhaafay ilaa shan madaxweyne yaa nasoo martay waa inay wax ka bartaan sawiradda ku dhagan matxafka burbursan.

 

Maskaxdu waxay ka samaysantahay "xayr"ama "xaydh" waxaa dhaqaajiya ama kululeeya khibradda.

 

Middaan tuurista farmaajo wakhti badan yaa ku lumaya ma sahlana aragtidayda markay ugu yaraato waa in baarlamaanku milyinneero noqdo ayagoo walaalaa oo isku duuban.

 

Tan tuhunka inay gacansiinayaan qaraxyada si dawladda loogu xumeeyo  ama dawladoo dhanba loo diido waa sax aragtidayda.

 

Dhaqaalaha ay ku dagaalamaan waxaa bixiya ganacsatada si lawada ogyahay, guryaha ay seexdaana ayagaa dugsi uga dhigay, xabaal wadareedkuna waa isla beeshii badankoodu.

 

Haddii lala dagaalamana waa beelo masaakiina oo aan waligood beertooda dhaafin, labada maydba ilmaa nasoo dhaafaysa munaafaqad waxaa ugu xun tan nafta kaa goysa.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this