Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshin durba laga diyaariyay Hogaamiye Waare & Golaha Wasiirada cusub ee Maamulkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo diyaarinta Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka Waare.

Mooshinka ayaa waxaa wada Xildhibaano ka tirsan maamulka oo qaarkood la sheegay inay saxiixeen Mooshinka oo iminkaba socda diyaarintiisa.

Mooshinka xoogiisa ayaa waxaa looga soo horjeeda Hogaamiye Waare iyo Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabeelle, kuwaasi oo todobaadkan uu magaacaabay Hogaamiyaha Hirshabeelle.

Xildhibaano tiro ahaan gaaraya 70 oo ku shiray Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan Hogaamiye Waare iyo tirada Wasiirada aadka u badan ee uu magacaabay Hogaamiyaha.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in Mooshinkan ay maanta oo Jimco ah u gudbin doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, waxayna tilmaameen Hirshabeelle in aysan xamili karin habsami u shaqeynta Waare iyo Wasiiro tiradooda aad u badan.

Sidoo kale, Maxamed C/raxmaan Khayre oo kamid ah Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inaanu suuragal aheyn wadada loo maray magacaabista Wasiirada, wuxuuna Waare ku eedeeyay inuu ka baxay balamo uu xildhibaanada la galay.

Docda kale, Xildhibaanada ayaa tilmaamay inay isla tuurayaan Hogaamiye Waare iyo Golihiisa Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this