Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo kasoo baxaaya kulan dhexmaray Mukhtaar Roobow, Shariif Xasan & Saraakiil ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan khaas ah oo dhexmaray Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Wadaadka Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Kulanka oo ahaa mid looga arrinsanaayay amniga deegaanada maamulka ayaa waxaa markii danbe ku biiray Saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka.

Abuu Mansuur ayaa Hogaamiyaha iyo Saraakiisha amniga warbixin ka siiyay dhaqdhaqaaq la sheegay inay wadaan maleeshiyaadka al-Shabaab oo ay usoo gudbiyeen Sirdoon u gaara oo ku dhex jira al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay wadaan abaabul dagaal ka dhan ah dowlada iyo maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna tilmaamay inay muhiim tahay in laga gaashaanto.

Abuu Mansuur waxa uu Hogaamiyaha maamulka iyo Saraakiisha u cadeeyay inay muhiim tahay in aad looga feejignaado dhagarada hor leh ee maleeshiyaadku u maleegayaan bulshada ku naalooneysa amniga.

Sidoo kale, Abuu Manuur ayaa maalmaha soo socda wuxuu u gudbi doonaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaasi wuxuu kula kulmi doonaa mas’uuliyiin kale oo ka socda Hay’adaha amaanka.

Mas’uuliyiinta ay Abuu Mansuur isku arki doonaan magaalada Baydhabo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Xasan Xuseen (Eelay) iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga Koonfur Galbeed.

Wasiir ku-xigeenka Amniga Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan Howlagalada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya ay kula dalaamayaan Alshabaab.

Ujeedka Dagaaladan waxay yihiin sidii Shabaab looga saari lahaa Koonfur Galbeed, waxaana kaalin weyn ka qaadan doona Abuu Mansuur iyo Saraakiil kala soo goostay al-Shabaab.

Geesta kale, Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen (Eelay) iyo Saraakiil lasoo goostay Abuu Mansuur ayaa kormeer ku maraya degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed, si loola socdo dhaqdhaqaaqa al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this