Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Afar boqol oo arday oo ka badbaaday qaraxii Boosaaso.

Recommended Posts

Deeq A.   

Lix askari oo ka tirsabn Ciidanka Puntland iyo laba ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo Maanta ka dhacay magaalada Boosaaso,kaasoo lala eegtay gaari ay saaarnaayeen ciidan oo marayey bartamaha magaalada ,sida ay sheegeen mas’uuliyinta gobolka Bari.

Duq degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxammed oo weriyaasha la hadlay ayaa sheegay in qaraxaas ay ka badbaadeen afar boqol oo arday da’yar ah,kuwaasoo wax ka baranayey xarun ku taalla goobta miinada lagu aasay.

Wuxuu sheegay in ardaydaan oo da’doodu u dhexayso saddex sano jir ilaa sagaal jir ay ku jireen xarun xannaano ah oo halkaasi ku taalla xilliga qaraxu dhacay.

Halkaan hoose ka daawo.

PUNTLAND POST

The post Daawo: Afar boqol oo arday oo ka badbaaday qaraxii Boosaaso. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this