Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu ku saabsanaa kulanka khaaska ah ee dhexmaray Wasiir Beyle & Hugh Riddell

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Abdirahman Ducaale Beyle iyo Wakiilka Bangiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya Mr Hugh Riddell.

Kulanka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa ka dhacay Xafiiska Wasiir Beyle kaa oo looga hadlaayay arrimo ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda ee 2018-ka.

Wasiir Beyle iyo Mr Hugh Riddell, ayaa isla qeexay miisaaniyada cusub, waxa ayna halkaa ku dajiyeen hanaanka ugu wanaagsan ee lagu maareyn lahaa miisaaniyada dowlada Federaalka ay ka hesho Bangiga Aduunka.

Labada mas’uul ayaa isla fahmay hanaanka loo maareyn lahaa miisaaniyada cusub, waxa uuna Wakiilka Bangiga Aduunka u qaabilsan Somalia Mr Hugh Riddell ballanqaaday inay sameyn doonaan nidaam gaara oo ay kuwada shaqeeyan Wasaarada iyo Bankiga Dhexe ee Somalia.

Waxay kulankooda kaga hadleen arrimo kale oo muhiim ah, inkastoo ay isku raacen inay wada qaatan kulan ka duwan kan iminka ka dhacay Xafiiska Beyle.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa sheegay in kulanka ay wada qaaten Wakiilka Bangiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya Mr Hugh Riddell uu waxbadan ka bedeli doono xaalada ay ku shaqeyso Somalia.

Beyle-1.jpg?resize=640%2C480Beyle-2.jpg?resize=640%2C480

3-9.jpg?resize=640%2C480

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this