Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro-Macalimiin Ka Qalin Jebiyey Kulliyadda GTEC ee Mgaaalada Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulliyadda macalimiinta Garoowe ee GTEC ee magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad qalin jebin ah oo loo qabtay 110 macalin oo kulliyadda baraha ama macalinimada ka bartay kulliyadda GTEC.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare, maamulka kulliyadda GTEC, macalimiinta kulliyadda, macalimiinta qalin jebisey, waalidiin, arday, ganacsato iyo bahda waxbarashada.

Gudoomiyaha jaamacadaha Puntland ahna maamulaha kulliyadda GTEC Cabdiraxmaan Sheekhdoon ayaa madasha ugu horayn ka sheegay in ardaydaani ay dhammaysteen barashada macalinimada oo 2 sano ah ayna diyaar u yihiin inay ka hawlgalaan dugsiyada hoose iyo dhexe ee Puntland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax oo ka hadlay xafladda ayaa u hambalyeeyey ardayda qalin jebisey wuxuuna ku booriyey in wixii ay barteen ay dadka iyo dalka uga faa’iideeyaan.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo shahaadooyin guddoonsiiyey macalimiinta qalin jebiyey ayaa sheegay in kulliyadda GTEC ay tahay isha kaliya ee bahda macalimiinta u soo saarta Soomaaliya dowladda Puntlandna ay ka go’antahay sidii loo tayeyn lahaa.

Dhanka kalena, Eng Camey wuxuu ardayda kula dardaarmay inaysan dayicin cilmiga ay barteen aysana noqon kuwa kaliya dhaqaale ku raadiya ee ay dadka ugu faa’iideeyaan.

SAWIRRO

 

IMG_4407.jpgIMG_4408.jpgIMG_4412.jpgIMG_4414.jpgIMG_4415.jpgIMG_4417.jpgIMG_4419.jpgIMG_4421.jpgIMG_4423.jpgIMG_4430.jpgIMG_4431.jpgIMG_4432.jpgIMG_4435.jpgIMG_4439.jpgIMG_4444.jpgIMG_4454.jpgIMG_4460.jpgIMG_4462.jpgIMG_4473.jpgIMG_4494.jpgIMG_4510.jpgIMG_4536.jpgIMG_4540.jpgIMG_4541.jpgIMG_4544.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this