Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Dowladda Puntland oo khaakhuul ku tilmaantay xirnaanshaha dekadda Boosaaso.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa Maanta ka hadashay xirnaanshaha dekadda magaalada Boosaaso iyo muranka u dhexeeya ganacsatada qaar iyo dowladda,kaasoo ku aaddan sharuudo ay soo rogtey shirkadda la wareegtay maamulka dekadda ee P&O oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka.

Sharuudaha ay ganacsatadu diidday waxaa kamida khidmado dheeriya oo la saaray maciishada imaanaysa dekadda,haye yeeshee Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo Maanta weriyaasha kula hadlay caasimadda Garoowe ayaa sheegay in dekadda Boosaaso ay khaakhuul(fowdo) ku hayaan wakiiladii doomaha alwaaxa ah oo keliyah.

Wasiirka ayaa eedayn kulul u jeediyey wakiiladaas oo uu sheegay in ay ka shaqeeyaan doomo aan caymis lahayn,islamarkaana halligaya naf iyo maal wixii la saaro.

Dawlada ayaa magaalada Bosaaso geysay ciidamo fara badan si ay uga hortagaan mudaharaadyo rabshado wata oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada kuwaas oo daba jooga rabshadihii horay magaalada uga dhacay.

Xirnaashaha dekadda ayaa durba laga dareemay suuqyada magaalooyinka Puntland, waxaana sara u kacay maciishada kala duwan oo ay kamid tahay cuntada asaasiga ee ay dadweynuhu quutaan.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST

The post Daawo: Dowladda Puntland oo khaakhuul ku tilmaantay xirnaanshaha dekadda Boosaaso. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this